HomeWararWaqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la shaaciyay

Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la shaaciyay

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo maalmaha soo socda la qabanayo. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Hirshabeeelle iyo ku-xigeenkiisa ay bilaabaneyso 8-da ilaa iyo 9 bishaan November. Sidoo […]

- Advertisement -

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo maalmaha soo socda la qabanayo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Hirshabeeelle iyo ku-xigeenkiisa ay bilaabaneyso 8-da ilaa iyo 9 bishaan November.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta Isdiiwaan-gelisa ay khudbahooda ku aadan waxa ay qaban doonaan markii la doorto ay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka u jeedin doonaa 10-ka November 2020.

Ugu dambeyn Qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ay dhici doonto 11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Musharixiinta xilalkaas u tartamaya ay wadaan kulamo siyaasadeed.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories