HomeWararSomalia iyo Masar oo ka wada hadlay hirgelinta heshiis dhexmaray labada Dal

Somalia iyo Masar oo ka wada hadlay hirgelinta heshiis dhexmaray labada Dal

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha  iyo safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeyn xoojinta iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal, hirgelinta heshiis horey u dhex maray labada dhinac, taageerida iyo dhiirigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladda Masar ay uga faa’iideysan lahayd wax […]

- Advertisement -

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha  iyo safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeyn xoojinta iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal, hirgelinta heshiis horey u dhex maray labada dhinac, taageerida iyo dhiirigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladda Masar ay uga faa’iideysan lahayd wax soo saarka dalka, gaar ahaan Mooska oo dib ugu soo laabaty suuqyada caalamiga ah.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in safiirka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

- Advertisement -

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga, maadaama 2017-kii aan heshiis iskaashi la galnay Wasaaaradda Beeraha Masar, runtii wax badan ayaan ka wada hadalnay”. Ayuu yiri Wasiirka Beeraha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in Dalka Masar ay ka jirto suuq fiican oo dhanka mooska ah, sida uu noo xaqiijiyay Safiirka Masar ee Soomaaliya, ayna xoogga saari doonaan wax soo saarka Mooska si loogu dhoofiyo dalka Masar.

Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Nasar ayaa sheegay inay marwalba garab taaganyihiin Soomaaliya, isla markaana ay qeyb ka qaadaan doonaan horumarinta beeraha Soomaaliya iyo kobcinta wax soo saarka dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories