HomeWararQarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa 

Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa 

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo goordhaweyd ka dhacay inta u dhexeeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Dayax gaar ahaan Albaabka hore ee Daacad Car-care ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa mar qura qaraxday, waxaana Jugta laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, sidoo kalena goobta ay […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo goordhaweyd ka dhacay inta u dhexeeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Dayax gaar ahaan Albaabka hore ee Daacad Car-care ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa mar qura qaraxday, waxaana Jugta laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, sidoo kalena goobta ay ka baxeysay uuru cirka isku shareertay.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa Isgoyska Sayidka oo tegay goobta ayaa xiray aaga oo dhan, iyagoona dadka iyo gaadiidka u diidaya inay maraan halkaas, waxaana ay ka wadaan baaritaano kala duwan.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn Xildhibaanka uu ahaa.

Ilaa iyo hadda lama oga khadaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in xiligii uu dhacayay goobta ay ka agdhawaayeen dad shacab ah.

- Advertisement -

Habeeno kahor ayey markii agagaarka isgoyska KM-4 ee Muqdisho qaraxaan oo kale lagula eegtay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in kastoo uu ka badbaaday, balse dhaawac uu soo saaray qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories