HomeWararNin dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan ah oo xukun adeg lagu riday

Nin dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan ah oo xukun adeg lagu riday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota xukun adeg ku riday Nin sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 Muwaadin Soomaali-Mareykan ah ku dilay gudaha dalkaas. Xukunka oo shalay oo Jimco aheyd dhacay ayaa lagu riday Leroy Davis Miles oo si aan ku tala-gal aheyn u dilay Shirwac Xasan Jibriil oo ahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota xukun adeg ku riday Nin sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 Muwaadin Soomaali-Mareykan ah ku dilay gudaha dalkaas.

Xukunka oo shalay oo Jimco aheyd dhacay ayaa lagu riday Leroy Davis Miles oo si aan ku tala-gal aheyn u dilay Shirwac Xasan Jibriil oo ahaa Darawal kana shaqeyn jiray dalka Mareykanka oo in muddo ah uu kunoolaa.

- Advertisement -

Webiste-ka Startibune ayaa laga soo xigtay in Maxkamadda la horgeeyay dukumiintiyo muujinaya in Eedeysane Davis Miles iyo rag la socday ay ka qeyb qaateen dilka loo geystay Marxuum Shirwac oo loo adeegsaday Feer looga dhuftay dhabarka iyo Madaxa, waxaana Davis Miles lagu riday xukun ah 13 sanno oo xarig ah.

Sidoo kale Muuqaalo ay buubeen kaamirooyinka qarsoon ayaa laga arkayay in Davis Miles oo madaxa iyo dhabarka feer ugu dhufanaya Shirwac Xasan Jibriil, kadibna uu madaxa ka dul-maray Bas xiligaas wadada mararay, sidaasina uu ku geeriyooday Shirwac.

Si kastaba Marxuum Shirwac Xasan Jibriil ayaa ahaa aabaha sideed caruur ah iyo awoowaha sideed kale, isagoo sanadkii 2007-dii Mareykanka galay, kadib markii uu soo maray Bariga Dhexe, Italy iyo Germany.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts