HomeWararMadasha Xisbiyada oo War kulul kasoo saartay Guddiyada Doorashada ee Federaalka 

Madasha Xisbiyada oo War kulul kasoo saartay Guddiyada Doorashada ee Federaalka 

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo War kasoo saartay Guddiyada Doorashada ee heer Federaal ee uu magacaabay Ra’iisul Waasaare Rooble. Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu cambaareeyay in Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal ay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hay’adda NISA […]

- Advertisement -

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo War kasoo saartay Guddiyada Doorashada ee heer Federaal ee uu magacaabay Ra’iisul Waasaare Rooble.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu cambaareeyay in Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal ay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, iyagoona sheegay in taas ay baalmarsan shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka.

- Advertisement -

Madasha ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa caddeeysay in Xukuumadda Soomaaliya aysan wax sharciyad ah u heysan soo magacaabida Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Somaliland, taasina ay gaf ku tahay metelaada dalka.

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga baaqday inay ka waantooban tallaabo kasta oo dhaawici karta hanaanka Doorasho ee horey loogu heshiiyay.

- Advertisement -

Hoos ka Akhrsio Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories