HomeCaalamkaJoe Biden oo natiijo hordhac ah ka shaacistay Doorashada Mareykanka

Joe Biden oo natiijo hordhac ah ka shaacistay Doorashada Mareykanka

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka.

Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aadp Aqalka Cad iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.

- Advertisement -

Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona. Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.

Wuxuu sheegay inuu ku socdo waddadii uu ku guuleysan lahaa in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah wuxuuna tilmaamay in dad badan ay u codeeyeen – in ka badan 74 milyan oo qof . Mr Biden – oo laba jeer oo hore u tartamay Aqalka Cad, sannadihii 1988 iyo 2008, guul la’aan – wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid la caleemo saaro isagoo jira 78 sano.

Haddii Dimuqraadigan lagu dhawaaqo inuu guuleystey dhammaadka labada maalmood ee soo addan, kooxdiisa ayaa la filayaa inay bilawdo hawlihii kala-guurka maalinka Isniinta.

- Advertisement -
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories