HomeWararCabdi Xaashi oo ka horyimid Guddigii Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland

Cabdi Xaashi oo ka horyimid Guddigii Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaamka Federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid Guddigii Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland ee uu xalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xueen Rooble. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo xulay aanay dhex dhexaad aheyn oo aan lagu kalsoonaan karin, lana garaneyn […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaamka Federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid Guddigii Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland ee uu xalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xueen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo xulay aanay dhex dhexaad aheyn oo aan lagu kalsoonaan karin, lana garaneyn meelaha laga keenay, inta la gartayna ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo NISA.

- Advertisement -

Cabdi Xaashi ayaa daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ku wargeliyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay bedeleen dhaqankii siyaasadeed ee lagu wada-joogay, islan markaana marka xiligaan la joojo lagu soo xuli jiray Guddiyada maamulada Doorashooyinka Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dalbaday in arrinta Guddiga Doorashooyinka Xildhibaanada Somaliland lagu magacaabay lasoo fara-geliyo, isagoo horey u sheegay inuu soo magacaabayo Guddigaas, balse xalay uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories