HomeWararBarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Guddi Doorasho oo la magacaabay

Barlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Guddi Doorasho oo la magacaabay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Goolka Shabeellaha Dhexe ku yeeshan kulankii 4-aad ee kal-fadhigiisa 1-aad ee Baarlamaanka. Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasi oo dhawaan uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle. 74 Xildhibaan oo kulankii Maanta soo xaadirtay ayaa 71 kamid […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Goolka Shabeellaha Dhexe ku yeeshan kulankii 4-aad ee kal-fadhigiisa 1-aad ee Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasi oo dhawaan uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

- Advertisement -

74 Xildhibaan oo kulankii Maanta soo xaadirtay ayaa 71 kamid ah Mudanayaasha Cod gacan taag ah ugu ansixiyeen Guddiga Doorashada ee la magacaabay, halka 2 Mudane waa diideen, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakim luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka iyo ku-xigeenkiisa.

Guddiga ayaa isla Maanta la filayaa inay bilaaban howlaha loogu diyaar garoobayo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories