HomeWararBaarlamaanka Itoobiya oo Go’aan Cusub ka gaaray Maamulka G/Tigreega

Baarlamaanka Itoobiya oo Go’aan Cusub ka gaaray Maamulka G/Tigreega

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Golaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya ayaa saaka oo sabti ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalkaas ayaa Go’aan Culus kasoo saaray Gobolka Tigrayga. Kulanka Golaha Baarlamaanka ee Itoobiya oo ahaa deg deg ah ayaa waxaa Cod aqlibiyad leh ku ansixiyay in dawladda Federaalka dalkaas faragalin ku samayso deegaanka […]

- Advertisement -

Golaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya ayaa saaka oo sabti ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalkaas ayaa Go’aan Culus kasoo saaray Gobolka Tigrayga.

Kulanka Golaha Baarlamaanka ee Itoobiya oo ahaa deg deg ah ayaa waxaa Cod aqlibiyad leh ku ansixiyay in dawladda Federaalka dalkaas faragalin ku samayso deegaanka Tigrayga, isla markaana u magacaawdo Maamul KMG ah.

- Advertisement -

Go’aankan ayaa u muuqda mid Itoobiya ku dooneyso inay meesha uga saarto Madaxdii dhawaan ay doorteen Maamulka gobolkaasi, kaddib gulufka colaadeed ee xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF.

Dhinaca kale Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga ayaa weli ka socda Waqooyiga dalkas, waxaana maanta la geeyey goobaha dagaalka boqolaal Askari, kuwaasi oo ku biiraya dagaalka looga soo horjeedo Tigrayga.

Gobolka Tigree-ga ayaa wajahaysa cadaadiskii ugu adkaa ee ay la kulanto, xili xalay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed shaaciyey in la burburiyey hubkii ay gacanta ku hayeen, gaar ahaana kan culus oo ay ku qabsadeen saldhiga Waqooyiga ee ciidanka dalkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories