HomeWararWararkii ugu dambeeyay Doorashada Dalka maraykanka

Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Dalka maraykanka

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Qofna wali kuma guuleysan doorashadi madaxtinimo ee Talaadadi ka dhacday dalkan Mareykanka, sababo la xiriira tirinta codadka lagu soo diray boostada oo wali ka socoto ilaa shan gobol oo aad muhiim u ah. Madaxweyne Trump iyo musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden ayaa labaduba guulo ka gaaray gobolladi la filayay in ay ku kala badiyaan, laakin […]

- Advertisement -

Qofna wali kuma guuleysan doorashadi madaxtinimo ee Talaadadi ka dhacday dalkan Mareykanka, sababo la xiriira tirinta codadka lagu soo diray boostada oo wali ka socoto ilaa shan gobol oo aad muhiim u ah.

Madaxweyne Trump iyo musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden ayaa labaduba guulo ka gaaray gobolladi la filayay in ay ku kala badiyaan, laakin waxaan aanan la kala ogaan oo ay musharraxiitana aad isugu dhaw yihiin shan gobol oo laba ama saddex ka mid ahi go’aan ka gaari doona natiijada doorashada ugu danbeyn caawa ama Jimcaha berrito ah.

- Advertisement -

Gobollada Georgia iyo Pennsylvania oo dhaca dhinaca bari, iyo Arizona iyo Nevada oo galbeed ku yaalla, ayay saraakiishu wali tiranayaan malaayiin codad ah oo isugu jiro kuwo boosto lagu soo diray iyo qaar ay dadka horay u sii dhiibteen inti aanan lasoo gaarin maalinti Talaadada.

Trump ayaa hogaaminaya Georgia iyo Pennsylvania halka Biden uu hogaaminayo gobollada Arizona iyo Nevada, laakin wali ma cadda guuleystaha rasmiga ah oo doorashada.

Waxyar kaddib marki uu xaqiijiyay inuu guulo ka keenay gobollada Wisconsin iyo Mishigan, ayuu musharraxa xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden xalay taageerayaashiisa u sheegay, in marka ay dhamaato tirinta codadka, uu ku kalsoonyahay inuu noqon doono madaxweynaha soo socda ee shacabka Mareykanka.

- Advertisement -

Laakin madaxweyne Trump ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo tiriyay codadka gobollada muhiimka ah ee uu shalay ku guuleystay Biden iyo kuwa uu hadda hogaaminayo, isaga oo codsaday in dib loo tiriyo, halka uu maxkamadda sare ka codsaday in ay hakiso tirinta codadka ee gobolka Pennslvania.

Wixi warar ah ee kusoo kordha doorashada madaxtinimada, kala soco idaacadaheenna galabta iyo caawa fiidkii, iyo sidoo kale barta aan internetka ku leenahay ee VOASomali.com

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories