HomeWararDEG DEG:- Dagaal ka socda Gobolka Galgaduud

DEG DEG:- Dagaal ka socda Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan ka helayno degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaal xooggani uu ka socdo Gobolkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo ah mid xooggan. Dagaalka ayaa u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda, waxaana lasoo sheegayaa in haatan uu socda dagaalku, jugta iyo rasaasta ayaa si xooggan […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaal xooggani uu ka socdo Gobolkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo ah mid xooggan.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda, waxaana lasoo sheegayaa in haatan uu socda dagaalku, jugta iyo rasaasta ayaa si xooggan looga maqlayaa degaanno hoostaga Bulacle, waxana dadka degaanku ay soo sheegayaan in marba mark aka dambeysa uu sii xoogaysanayo dagaalku.

- Advertisement -

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhawaanaahan waday is Abaabul iyo howlagallo bakllaaran ayaa lasoo sheegayaa in Al-shabaab ay kula dagaalamayaan degaanka iyo tuulooyin kale oo hoostaga.

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka, balse waxaa jira sida warar hoose ay sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana adag in la helo tirada rasmiga ah eek u dhimatay dagaalkaasi ama ku dhaawacantay.

Ciidanka Dowladda ayaa Al-shabaab waxaa ay kala wareegeen dhawaan degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana ay Saraakiisha Ciidanka hor kacaysa ay sheegeen in ay qadi doonaan dagaal xooggan oo Al-shabaab ay kaga saarayaan Gobolkaasi, balse dagaalamyaasha Al-shabaab ayaa ku xooggan qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan Maamulka Golmudug.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories