HomeWararXiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Galgaduud

Xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xiisad dagaal ayaa ka taagan degaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud, waxaana wararku sheegayaan in ay macquul tahay in saacad waliba uu halkaasi dagaal ka qarxo. Wararku waxaa ay ku warramayaan in si weyn degaanka looga dareemayo saan-saan dagaal, iyadoo xiisaddu ay u dhaaxyso laba beelood o walaalo ah oo halkaasi wada dega. Waxaa lasoo sheegayaa […]

- Advertisement -

Xiisad dagaal ayaa ka taagan degaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud, waxaana wararku sheegayaan in ay macquul tahay in saacad waliba uu halkaasi dagaal ka qarxo.

Wararku waxaa ay ku warramayaan in si weyn degaanka looga dareemayo saan-saan dagaal, iyadoo xiisaddu ay u dhaaxyso laba beelood o walaalo ah oo halkaasi wada dega.

- Advertisement -

Waxaa lasoo sheegayaa in Malleyshiyaad aad u hubeysan ay soo buuxdhaafiyeen degaanka, waxaana wararku intaas ku darayaan in labada dhinaca ay wadaan is abaabul dagaal.

Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa wada dhex-dhexaadin iyo sidii ay Colaaddaas u baajin lahaayeen, waxaana laga yaabaa in dagaalku qarxo maaddaama sida lasoo sheegayo ay labada dhinac dagaal usoo diyaar garooween.

Xiisadda dagaal ayaa salka ku haysa Aaanooyin qabiil oo horay u kala dhextaalay labada dhinac, waxaana la sheegay in horay ay usoo jiitamaysay arrintan la xariirta aanada.

- Advertisement -

Degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah horay uga dhacay dagal beeleedyo, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ay ku guuleysteen in ay xaliyaan dagaaladaasi, balse waxaa hadda soo cusboonaaday dagaal beeleedyo kale oo salka ku ahya aanooyin qabiil.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories