HomeWararFaah faahino:-Al-shabaab oo bur-buriyay Shirkad isgaarsiineed

Faah faahino:-Al-shabaab oo bur-buriyay Shirkad isgaarsiineed

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno degaanka Karo oo 11 km u jira Magaalada Mandheera ayaa ku warramaya in Al-shabaab ay bur-buriyeen Birta Isgaarsiinta Safaricom oo degaankaasi ku taallay, waxaana lasoo sheegaya in isgaarsiintu ay maqan tahay. Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta Shirladda Safaricom ay ku leedaahy degaankaas, balse waxaa ay iska caabbin kala kulmeen Ciidanka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno degaanka Karo oo 11 km u jira Magaalada Mandheera ayaa ku warramaya in Al-shabaab ay bur-buriyeen Birta Isgaarsiinta Safaricom oo degaankaasi ku taallay, waxaana lasoo sheegaya in isgaarsiintu ay maqan tahay.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta Shirladda Safaricom ay ku leedaahy degaankaas, balse waxaa ay iska caabbin kala kulmeen Ciidanka KPR-ta oo la sheegay in ay ilaalo ka hayeen Xarunta.

- Advertisement -

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in wali isgaarsiinta Shirkaddaasi ay degaanka ka maqan tahay, waxaana dadka degaanku aysoo sheegayaan in tan iyo xalay ilaa hadda ay yihiin kuwo aan haysnin Adeegga Isgaarsiinta shirkadda.

Al-shabaab ayaa weero waxaa ay ka gaystaan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo mararka qaarna ay weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka gaystaan Gudaha dalka Kenya, waxaana dagaalamyaasha Al-shabaab ay horay weeraro ugu qaadeen Goobo waxbarsho oo ku yaalla Xuuduudka iyo Gudaha Kenya.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories