HomeWararBanbixii Golaha Wasiirrada oo la soo gabogabeeyey

Banbixii Golaha Wasiirrada oo la soo gabogabeeyey

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 5 Nofeembar 2020 soo gabagaboobay banbax howlleed ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo soconayey muddo saddex maalmood ah. Arrimaha ugu waaweyn ee shirka banbaxa looga faa’iideystay waxaa ka mid ahaa in si waanaagsan la iskula fahmay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo doorka wasaarad walba ay ku leedahay hirgelintiisa, heshiisyadii iyo […]

- Advertisement -

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 5 Nofeembar 2020 soo gabagaboobay banbax howlleed ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo soconayey muddo saddex maalmood ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirka banbaxa looga faa’iideystay waxaa ka mid ahaa in si waanaagsan la iskula fahmay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo doorka wasaarad walba ay ku leedahay hirgelintiisa, heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka dadban ee laga fulinayo dalka 2020/2021, xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, arrimaha caddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka iyo dardargalinta dagaalka lagula jiro argagaxisada, arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaargarowga laba-kacleynta Caabuqa COVID-19.

- Advertisement -

Waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax howlleedkan dhamaystirka qorshaha 100ka maalmood ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulineed ee wasaarad walba la gashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Intii uu socday banbaxu Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada la dagaalanka musuqmaasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku salaysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haweenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025.

Waxayna Xukuumaddu balan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano ka dib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban.

- Advertisement -

Intii lagu guda-jiray howllaha banbaxa waxaa kaloo diiradda la saaray Barnaamijka dhab-u-heshiinsiinta dalka iyo wax ka qabashadda tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta, kuwaa soo qayb ka ah howlaha hortabinta u leh Xukuumadda.

“Waxaan ku boorinayaa Golaha Wasiiradda in aan hakad ku iman addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda xiliga doorashada” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories