HomeWararAbiy Axmed oo sheegay in Howlgalka militeri ee ka dhanka ah Tigreega...

Abiy Axmed oo sheegay in Howlgalka militeri ee ka dhanka ah Tigreega uu guuleystay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega inkasta ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aadan ilaalinta amniga. Maamulka Abiy wuxuu ku eedeeyay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigreega in uu wado weerar ka dhan ah militariga dowladda. Xiisad […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega inkasta ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aadan ilaalinta amniga.

Maamulka Abiy wuxuu ku eedeeyay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigreega in uu wado weerar ka dhan ah militariga dowladda.

- Advertisement -

Xiisad ayaa ka taagan gobolka Tigreega kaddib markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay tallaabo militeri oo ka dhan ah maamulkaas.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay in howlgal militeri lagu qaado gobolka Tigreega isla markaana uu sii wadi doono howlgalkaas.

Dowladda federaalka ayaa horraan xaalad deg deg ah ugu soo rogtay gobolka Tigreega, waxaana la xiray duulimaadyadii aadi jiray gobolkaas.

- Advertisement -

Bayaanka uu soo saaray Rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yiri “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

TPLF waxay dhankooda sheegeen in ‘aysan is dhiibin doonin oo aysan iska indha tiri doonin halista weyn’

Dowladda federaalka waxay dhankeeda sheegtay in ‘colaadda ay wadaan kooxo yar oo dana gaar ah wata si ay u carqaladeeyaan amniga dalka’

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyraska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories