HomeWararYaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Hrshabeelle?

Yaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Hrshabeelle?

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Waxaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gaba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana haatan la qabtay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad. Xilka Guddoomiye labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Mahad Xasan Cismaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gaba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana haatan la qabtay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Xilka Guddoomiye labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Mahad Xasan Cismaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulka Hirshabeelle u doortay inuu nqodo Mahad Xasan Cismaan, kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 87 Cod.

Sidoo kale Musharax Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas ayaa heshay Codad gaaraya 21, iyadoo ugu dambeyna laga guuleystay.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Mahad Xasan uu ku guuleystay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka, isla markaana uu noqon doono Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo doortay inuu noqdo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, halka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad uu loo doortay Siraaji Sheekh Isaaq Cabdulle.

Ugu dambeyn waxaa Xildhibaanada hortooda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Doorashadii dhacday goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories