HomeWararXiisada Itoobiya oo cirka isku shareertay iyo Abiy oo bixiyay Amar Culus

Xiisada Itoobiya oo cirka isku shareertay iyo Abiy oo bixiyay Amar Culus

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen. Rai’sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka. TPLF ayaa horey waxay […]

- Advertisement -

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

Rai’sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka. TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

- Advertisement -

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah. Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada.

Bayaanka uu soo saaray rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yiri “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalak loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories