HomeWararWararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay degaan ka tirsan Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay degaan ka tirsan Galgaduud

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad shacab ah oo habeenkii xalay aheyd lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo dadii ka dambeeyay dilkaas ay ka baxsadeen sida aan wararka ku helnay. Dilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa deegaanada xananbuure iyo miir-jiiclay Gobolka Galgaduud, waxaana rag hubeysan ay toogteen […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad shacab ah oo habeenkii xalay aheyd lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo dadii ka dambeeyay dilkaas ay ka baxsadeen sida aan wararka ku helnay.

Dilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa deegaanada xananbuure iyo miir-jiiclay Gobolka Galgaduud, waxaana rag hubeysan ay toogteen laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in dilka loo geystay labadaas ruux oo rag ah uu yahay mid la xiriira aano qabiil oo in muddo ah lagu howlanaa sii loo xalin lahaa, hayeeshee lagu guul dareystay.

Ragii ka dambeeyay falka oo u abaabulnaa qaab qabiil ayaa goobta uu falku ka dhacay isaga tegay, waxaana qaar kamid dadka deegaanka xananbuure tageen halkaas, isla markaana qaaday Meydadka dadka la dilay.

Ciidanka Maamulka Galmudug ayaa wada howlgal baaritaano ah oo lagu doonayo in lagu soo qabtay dadkii geystay falkaas, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aadan dhacdadaas dhacday.

- Advertisement -

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale laba ruux loogu dilay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xili uu falkaas la xiriiray aano qabiil, welina aan gacan lagu soo dhigin ragii ka dambeeyay, Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka iyo dagaal beeleedyada la xiriira qabaa’ilka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories