HomeWararSheekh Shariif oo mar kale oo Maanta ku wajahan Jowhar iyo ujeedkiisa

Sheekh Shariif oo mar kale oo Maanta ku wajahan Jowhar iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta mar kale waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle. Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimo dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan dadka kasoo jeera Gobolka Hiiraan […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta mar kale waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimo dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan dadka kasoo jeera Gobolka Hiiraan ee ku aadan dhismaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa kamid ah Odayaal, waxgarad ka soo jeeda Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaran Magaalada Jowhar oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta Shariif.

Maalintii Axada aheyd ee todobaadkaan ayuu Shariif tegay Jowhar, isagoona kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, isla markaana kala hadlay sidii loo dhameyn tabashada laga qabo dhismaha Maamulka iyo sidii loo xalin lahaa wax kasta oo khilaaf ah oo jira, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ahan Musharax Madaxweyne maamulkaas, isagoo ka dalbaday in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha, hayeeshee taas la isku fahmi waayay laguna kala tegay.

- Advertisement -

Sheekh Shariif ayaa mar kale qorsheynaya inuu kulamo kale la qaato Odayaasha dhaqanka iyo duubabka, isla markaana uu kala hadlo xalinta tabashooyinka jira iyo sdiii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiineed.

Socdaalka uu Shariif Sh Axmed ku tegaya Magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta halkaas ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid la adkeeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories