HomeWararSheekh Shariif oo ka hadlay ujeedka safarkiisa labaad ee Jowhar

Sheekh Shariif oo ka hadlay ujeedka safarkiisa labaad ee Jowhar

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh Axmed oo Maanta mar kale dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu halkaas ku tegay. Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka safarkiisa labaad ee Jowhar uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa xilinta tabashooyinka […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh Axmed oo Maanta mar kale dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu halkaas ku tegay.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka safarkiisa labaad ee Jowhar uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa xilinta tabashooyinka ka dhashay dhismaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Shariif in socdaalkiisa ay ku wehlinayaan Mas’uuliyiin uu kamid yahay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Odayaal kaasoo jeeda Hiiraan, kuwasi oo ka qeyb qaadan doona sidii loo xalin lahaa khilaafyada iyo tabashooyinka jira.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Doorashada Hirshabeelle ay noqoto mid ku dhacdo isfaham iyo nabad, isla markaana la xalin doono wax kasta oo khilaafaad ah oo jira, si loo dhiso Maamul mideysan.

Maalintii Axada aheyd ee todobaadkaan ayuu Shariif tegay Jowhar, isagoona kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, isla markaana kala hadlay sidii loo dhameyn tabashada laga qabo dhismaha Maamulka iyo sidii loo xalin lahaa wax kasta oo khilaaf ah oo jira, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan.

- Advertisement -

Socdaalka uu Shariif Sh Axmed ku tegaya Magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta halkaas ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid la adkeeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories