HomeWararSheekh Shariif oo Goordhow ka degay Magaalada Jowhar

Sheekh Shariif oo Goordhow ka degay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Sheekh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa Goordhow gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, xili Axaddii hore uu halkaas tegay. Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas. Ujeedka safarka Sheekh […]

- Advertisement -

Sheekh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa Goordhow gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, xili Axaddii hore uu halkaas tegay.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas.

- Advertisement -

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimo dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan dadka kasoo jeera Gobolka Hiiraan ee ku aadan dhismaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa kamid ah Odayaal, waxgarad ka soo jeeda Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, iyagoo kala hadli doono xalinta tabashada dhismaha Maamulka.

Socdaalka uu Shariif Sh Axmed ku tegay Magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta halkaas ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid la adkeeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories