HomeWararRag loo soo qabtay kufsi iyo Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Rag loo soo qabtay kufsi iyo Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka Magaalada Boosaaso. Raggaas lasoo qabtay aya qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeed laga helay xaafadda Raf iyo Raaxo […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka Magaalada Boosaaso.

Raggaas lasoo qabtay aya qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeed laga helay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana si arxan darro ah ku dilay, taas oo meydkeeda laba maalin yaallay Isbitaalka Magaaladaas.

- Advertisement -

Mid kamid ah eedeeysanayaasha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Fareey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay marka hore in gabdha yar ay kusoo kexeeyeen gaari ay wateen isaga iyo wiil kale oo la jiray, ayna gabdha gacmaha uga xireen cimaamad, kadibna ay kula dhaqaaqeen kufsi ah.

Intaas kadib ayay Maxamed ayaa sheegay inuu go’aansaday in Gabdha nafta la dhaafiyo, isagoona ku ceejiyay Naciimo cimaamadii gacmaha uga xirneyd, uuna markii dambe go’aan ku gaaray in gaari ay wateen uu madaxa ka jiirsiiyo, sidaasina ku geeriyootay, ayna baxsadeen.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in howlgal ay sameeyeen laamaha amniga Gobolka bari lagu soo qabtay raggii kufsiga iyo dilka u geystay Marxuumad Naciimo Cabdi oo aheyd gabar yar.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Taliye Xuseen Cali ayaa Carabka ku dhuftay in raggaas la horgeyn doono Maxkamadda, si sharciga loo mariyo, wuxuuna si ballaaran ugu mahadceliyay Ciidanka amniga iyo cid kasta oo ka qeyb qaatay sidii loo qaban lahaa raggaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories