HomeWararPuntland oo Maanta xukun ku riday rag kufsi iyo Dil u geystay...

Puntland oo Maanta xukun ku riday rag kufsi iyo Dil u geystay Gabar yar

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa Maanta waxaa la horgeeyay laba Nin oo lagu eedeeyay inay kufsi iyo dil duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ugu geysteen gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka. Raggaas lasoo qabtay aya qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeeda laga helay […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa Maanta waxaa la horgeeyay laba Nin oo lagu eedeeyay inay kufsi iyo dil duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ugu geysteen gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Raggaas lasoo qabtay aya qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeeda laga helay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana si arxan darro ah ku dilay, taas oo meydkeeda laba maalin yaallay Isbitaalka Magaaladaas.

- Advertisement -

Maxkamadda Gobolka Bari ayaa labadaas nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Farreey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq ku riday xukun Dil toogasho ah, kadib markii ay si Cad u sheegeen inay kufsadeen, kadibna ay dileen Marxuumad Naciima.

Laamaha amniga Gobolka Bari ayaa xalay raggaan kusoo bandhigay saldhiga Booliska Magaalada Boosaaso, waxaana lagu soo qabtay howlgal ballaaran oo ay sameeyeen Ciidanka amniga Puntland.

Maamulka Puntland ayaa horey xukuno isugu jiray Dil toogasho iyo xabsi ku riday rag dhowr ah oo horey deegaanada Puntland uga geystay falal kufsi iyo dil, waxaana xukunka Maxkamadda ay ku riday ragii Maanta soo dhaweeyay dadka Boosaaso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories