HomeWararGuddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Hirshabeelle oo la doortay

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Hirshabeelle oo la doortay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ku doortay guddoomiye  ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle. Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad u doortay inuu noqdo Siraaji Sheekh Isaaq Cabdullaahi, kaasi oo loogu Codeeyay Cod gacan taag ah, waxaana uu helay 95 Cod, mana jirin wax ka aamusay ama diiday. Inta aysan bilaaban […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ku doortay guddoomiye  ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad u doortay inuu noqdo Siraaji Sheekh Isaaq Cabdullaahi, kaasi oo loogu Codeeyay Cod gacan taag ah, waxaana uu helay 95 Cod, mana jirin wax ka aamusay ama diiday.

- Advertisement -

Inta aysan bilaaban Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa tartanka ka tanaasulay Saadaq Salaad Warsame oo ah Musharixii la tartami lahaa Guddoomiye Siraaji Sheekh Isaaq.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa daqiiqado kahor doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Sidoo kale waxaa bilaabaneysa doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad, waxaana ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories