HomeWararDoorashada Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo Maanta dhaceysa

Doorashada Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo Maanta dhaceysa

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo maalintii shalay aheyd Xildhibaanada  Hirshabeelle u jeediyay khudbado ay uga hadlayeen waxa ay qaban doonaan markii […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo maalintii shalay aheyd Xildhibaanada  Hirshabeelle u jeediyay khudbado ay uga hadlayeen waxa ay qaban doonaan markii la doorto.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa Baarlamanka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u doortaan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Doorashada ay tahay mid adeg sida la sheegayo.

Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee Doorashada ayaa haatan socota, isla marakaana waxaa Xarunta  Baarlamaanka kusii qul-qulaya Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galeysa Doorashada.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

- Advertisement -

Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

Ammaanka guud ee Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugiada amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee Haramcad iyo kuwa Maamulka, waxaana aad loo yareeyay dhaq-dhaqaaqa Magaalada, isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Jowhar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories