HomeWararDEG DEG:-Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Hirshabeelle oo la Doortay

DEG DEG:-Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Hirshabeelle oo la Doortay

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas. Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir. Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle u doortay inuu […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya ilaa iyo 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Goodir uu isla helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle  ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Goordhow ayaa la guda geli doonaa Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories