HomeWararCiidanka amniga oo baadi goobaya rag hubeysan oo Dil geystay

Ciidanka amniga oo baadi goobaya rag hubeysan oo Dil geystay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa deegaanka Xananbuure iyo tuulooyin kale oo hoostega deegaankaas ka bilaabay howlgal xoogan oo lagu raadinayo dad dil geystay. Ciidanka oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgal ballaaran ka wada Maanta Xananbuure, iyagoona ku raadinaya rag maleeshiyo beeleed oo dad shacab xalay ku dilay inta u dhexeeysa […]

- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa deegaanka Xananbuure iyo tuulooyin kale oo hoostega deegaankaas ka bilaabay howlgal xoogan oo lagu raadinayo dad dil geystay.

Ciidanka oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgal ballaaran ka wada Maanta Xananbuure, iyagoona ku raadinaya rag maleeshiyo beeleed oo dad shacab xalay ku dilay inta u dhexeeysa Xananbuure iyo miir-jiiclay.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka Ciidanka ayaa sheegay in ragga falka geystay oo ahaa maleeshiyo beeleed ay ku bada jiraan, isla markaana markii la soo qabto sharciga la horgeyn doono, si tallaabo waafaqsan sharciga looga qaado.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in labada qof ee xalay lagu dilay inta u dhexeeysa Xananbuure iyo miir-jiiclay ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo loo dilay aano qabiil oo muddo lagu howlanaa sidii loo soo afjari lahaa, balse lagu guud-darreystay.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale laba ruux loogu dilay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xili uu falkaas la xiriiray aano qabiil, welina aan gacan lagu soo dhigin ragii ka dambeeyay, Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka iyo dagaal beeleedyada la xiriira qabaa’ilka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories