HomeWararBaarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeerka Dugsiyada Qur'aanka

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeerka Dugsiyada Qur’aanka

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku yeeshay Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Maalintii 2aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 39 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaana […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku yeeshay Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Maalintii 2aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 39 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaana uu diiday iyo  4 Mudane oo ka aamusay.

- Advertisement -

Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland oo Golaha Wakiillada DPL ay u soo gudbisay Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqanka-celinta Puntland ayaa ka kooban 37 Qodob, waxa ayna ujeeddadiisu tahay tayeynta & kor u qaadista Qur’aanka Kariimka iyo barayaasha dhigaya, sidoo kalena dhiirigelinaya ku dhaqanka Diinta Islaamka, Caqiidada toosan iyo Anshaxa wanaagsan.

Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland ayaa kaalin wanaagsan ka qaadanaya ilaalinta xuquuqda Dugsiyada Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories