HomeWararXildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo ka horyimid Go’aankii Cabdi Xaashi

Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo ka horyimid Go’aankii Cabdi Xaashi

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Somaliland ayaa kasoo horjeestay Qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku sheegay inuu soo magacaabayo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland. Xildhibaanada oo Maanta kulan yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo xubnaha, Xildhibaanada […]

- Advertisement -

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Somaliland ayaa kasoo horjeestay Qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku sheegay inuu soo magacaabayo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland.

Xildhibaanada oo Maanta kulan yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo xubnaha, Xildhibaanada Somaliland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021.

- Advertisement -

Xildhibaan Guuleed Ceyndaruus Cige oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed kasoo baxay Xildhibaanada ayaa sheegay in uusan jirin heshiis siyaasadeed oo dhexmaray Xildhibaanada labada Golle iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ayaa Cabdi Xaashi ku eedeeyay inuu ka qeyb geli waayay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho oo ay xuseen in Cabdi looga baahnaa inuu ka qeyb galo, hayeeshee Xildhibaanada Somaliland uu shirarkaas ku matalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn Xildhibaanada kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in Qoraalkii ugu dambeeyay iyo kuwo kale uu horey u soo saaray Cabdi Xaashi in uusan ku metelin Xildhibaanada, isla markaana Qoraalada ay yihiin kuwo abuuraya qalqal siyaasadeed.

- Advertisement -

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa dhawaan sheegay inuu magacaabi doono labada xubnood ee Gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyadoo saddex xubnood soo magacaabi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories