HomeWararWasiirka amniga Dowladda oo Dalab u diray shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka amniga Dowladda oo Dalab u diray shacabka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaiga  amniga dowladda ee u taagan sugida amniga Caasimadda. Wasiir Xundubey oo ka hadlaayay howlaha shaqo ee Ciidanka amniga ayaa Ciidanka amniga ku tilmaamay inay yihiin Mujaahidiin oo Jihaad ku Jira, isla markaana u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu Wasiir Xasan Xundubey […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaiga  amniga dowladda ee u taagan sugida amniga Caasimadda.

Wasiir Xundubey oo ka hadlaayay howlaha shaqo ee Ciidanka amniga ayaa Ciidanka amniga ku tilmaamay inay yihiin Mujaahidiin oo Jihaad ku Jira, isla markaana u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxaa uu Wasiir Xasan Xundubey faray Ciidanka amniga inay sii laba jibaaran shaqada sugida amniga Magaalada Muqdisho oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro, ayna geystaan Al-shabaab.

Ugu dambeyn Wasiir Xundubey ayaa shacabka kunool Gobolka Banaadir ugu baaqay inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha amniga dowladda Federaalka, ayna garab siiyaan si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Hadalkaan ayuu Wasiirka amniga Xukuumadda Xundubey warbaahinta u sheegay, kadib markii uu ka qeyb galay Shir saddex maalmood socon doona oo Golaha Wasiirada Maanta uga furmay Hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories