HomeWararShir looga hadlayo Qorshaha Xukuumadda Rooble oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo Qorshaha Xukuumadda Rooble oo ka furmay Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Maanta oo tallaado Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardar gelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha. Sidoo kale Qodobada looga […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Maanta oo tallaado Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardar gelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha.

- Advertisement -

Sidoo kale Qodobada looga hadlayo Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa kamid ah Arrimaha Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood.

Furitaanka Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golah Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo dhammaan Golaha Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeenada Xukuumadda Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories