HomeWararMaxaa looga hadlay Shir xubno ka tirsan DFS iyo M/Goboleedyada uga furmay...

Maxaa looga hadlay Shir xubno ka tirsan DFS iyo M/Goboleedyada uga furmay Muqdisho?

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii guul looga gaari lahaa hayaanka dhimista saboolnimada iyo koritaan loo siman yahay. “Waxaa Sharaf u ah Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed , maanta inan joogno tallaabooyinkii u horreeyay ee aan ku gaareyno isbeddel bulsho,Muwaadiniinta nugulna ay gaareyso taageerro uga […]

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii guul looga gaari lahaa hayaanka dhimista saboolnimada iyo koritaan loo siman yahay.

“Waxaa Sharaf u ah Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed , maanta inan joogno tallaabooyinkii u horreeyay ee aan ku gaareyno isbeddel bulsho,Muwaadiniinta nugulna ay gaareyso taageerro uga imaanaysa Dawladda” ayuu yiri isagoo maanta Muqdisho ka daahfuray kulan la xiriiray Siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

- Advertisement -

Kulanka ayaa isu keennay xubno sare oo matalayey Dawladda Federaalka,Dawlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir,iyadoo ujeeddadu tahay in fahan qoto dheer laga helo siyaasadda Ilaalinta Bulshada,lana gaarsiiyo dhammaan Bulshada.

“Waxaa muhiim ah inan hoosta ka xariiqno in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay inta badan dadkeenna Soomaaliyeed ee saboolka ah, tabarta daran ay ku xisaabtamayaan ballanqaadkeena iyo dadaalkeenna si aan u hubino siyaasaddan.” ayuu ku daray.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay bishii July ee sannadkii 2019, siyaasadda Ilaalinta bulshada oo ay hoggaamiso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana qeyb ka ah siyaasadda in lagu dhimo saboolnimada, iyadoo lagu guuleystay ku dhawaad 1.2 milyan oo bulshada nugul ah inay taageerro dhaqaale ka helaan barnaamijka Baxnaano ee qeybta ka ah siyaasadda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories