HomeWararMadaxweynihii Hirshabeelle Waare oo is Casilay iyo sababta keentay  

Madaxweynihii Hirshabeelle Waare oo is Casilay iyo sababta keentay  

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay inuu casilay xilkii Madaxtinimada Hirshabeelle. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayuu ku shaaciyay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii mudda saddexda sanno aheyd ee uu ka haayay Hirshabeelle, isagoo ka hadlay dhismaha Cusub ee Hirshabeelle. Waare […]

- Advertisement -

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay inuu casilay xilkii Madaxtinimada Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayuu ku shaaciyay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii mudda saddexda sanno aheyd ee uu ka haayay Hirshabeelle, isagoo ka hadlay dhismaha Cusub ee Hirshabeelle.

- Advertisement -

Waare ayaa marka hore Qoraalkiisa ku sheegay inuu soo jeediyay tallo aheyd in dib loo dhigo Doorashada Hirshabeelle inta laga qabanayo Doorashada Dowladda Federaalka, si looga tadasho dhismaha Maamulka Cusub, lana saxo qalalaadii hore ee dhacay, hayeeshee taas laga diiday.

Sidoo kale Waare ayaa nasiib darro ku tilmaamay sidaas wax u dhacaan, isla markaana ay ku qancaan dowladda Federaalka, duubabka dhaqanka, xildhibaanada matala Hirshabelle iyo hoggaanka mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore oo horay ka hadli jiray dhibaatooyin ka taagan deegaano kale iyo maamul goboleedyada kale.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Go’aan ku gaaray in gebi ahaan uu iska casilo xilka dowlad Goboleedka, isagoona guul iyo horumar u rajeeyay Hirshabeelle.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Maxamed Cabdi Waare.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories