HomeWararMaamulka G/Banaadir oo shir Deg-deg ka yeeshay saameynta Roobkii da’ay

Maamulka G/Banaadir oo shir Deg-deg ka yeeshay saameynta Roobkii da’ay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay xaaladahii ugu dambeeyay ee Roobabkii ka da’ay Caasimadda, taasi oo saameyn ku yeeshay isu-socodka Magaalada iyadoona sidoo kale ay saameyn ku yeesheen dad dan yar ah oo ku dhaqan Muqdisho. Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay xaaladahii ugu dambeeyay ee Roobabkii ka da’ay Caasimadda, taasi oo saameyn ku yeeshay isu-socodka Magaalada iyadoona sidoo kale ay saameyn ku yeesheen dad dan yar ah oo ku dhaqan Muqdisho.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ayaa Warbixin ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona sidoo kale la faray in ay qaadaan Mas’uuliyadda loo idmaday ee Degmada juhdina ku bixiyaan la tacaalida Xaaladaha Deg-dega ee sababeen Roobabka ka da’ay Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in ay gurmad u fidin doonaan dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaaray Roobabkii da’ay iyadoona Ganacsatada iyo dadka kale loogu baaqay in ay is-garab taagaan dadka dan-yarta ee saameeyay Roobabka.

Waxa uu Maamulka Balan-qaaday in ay dadaal dheeri ah iyo isla-xisaabtan dhab ah ay ka sameen doonaan sidii loogu mira dhalin lahaa wax ka qabashada saameynta roobabka, sidii Bilicda Caasimada ay dib ugu soo noqon laheyd shacabkana ay ugu fududaan laheyd isu-socodka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories