HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo fuliyay Amarkii kasoo baxay RW Rooble

Maamulka Gobolka Banaadir oo fuliyay Amarkii kasoo baxay RW Rooble

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Kadib markii xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu amray Maamulka G/Banaadir inay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda ayaa waxaa amarkaas fuliyay Maamulka Gobolka. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa durbo xalay waddooyinka ka bilaabay howlo waddooyinka looga qaadayo biyaha roobkii habeenkii hore ka da’ay Muqdisho, […]

- Advertisement -

Kadib markii xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu amray Maamulka G/Banaadir inay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda ayaa waxaa amarkaas fuliyay Maamulka Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa durbo xalay waddooyinka ka bilaabay howlo waddooyinka looga qaadayo biyaha roobkii habeenkii hore ka da’ay Muqdisho, xili gaadiidka iyo dadka ay ku adeg tahay inay maraan jidadka ay biyaha fadhiyaan.

- Advertisement -

Ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Axmed Xasan Iiman oo uu wehlinayay Guddoomiye Tuulax ayaa kormeer ku tegay qaar kamid ah waddooyinka ay xireen biyaha oo ay ka socdeen howlo biyo looga qaadayo.

Axmed Xasan Iiman oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Waaxda howlaha guud ee Gobolka ay biyaha ka qaadeen wadada hormarta Iskuulka Jeneraal kaahiye, Warta biyaha KM-4,  xaafadda Ceel-qalow iyo  waddooyin kale oo ay xireen biyaha roobkii da’ay.

Isaga oo sii hadlaayay Ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in gaadiidka iyo dadka shacabka ah ay mari doonaan waddooyinka ay xireen biyaha roobka, isla markaana kuwo kalena la nadiifin doono.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Axmed Iimaan ayaa Ganacsatada iyo dadka kale ee wax heysta ugu baaqay inay gargaar u fidiyaan qoysaska danta yar e guryahooda biyaha ka galeen iyo kuwa kunool xerooyinka barakacayaasha ah.

Si kastaba Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku xirmay biyaha xareedda ee roobkii ka da’ay Muqdisho, waxaana halkaas maristooda dhib ku qaba gaadiidka Mooto Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo maraya waddooyin qardo-jeex.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories