HomeWararGuddoomiye ku-xigeen lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Guddoomiye ku-xigeen lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay deegaana Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho ah, Jugtiisana laga maqlay xaafado ku dhow deegaankaas. Qaraxaas oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa qarxiyay xili uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood. […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay deegaana Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho ah, Jugtiisana laga maqlay xaafado ku dhow deegaankaas.

Qaraxaas oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa qarxiyay xili uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in  qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa magaca Mas’uulka ay qaraxa ku dileen ku sheegeen Cali Xuseen, iyagoona xusay in qarax Mas’uulka gaarigiisa loogu soo xiray, isla markaana markii uu qarxay uu Marxuum Cali goobta ku dhintay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, hayeeshee qaraxaas ayaa waxaa uu kamid noqonayaa qaraxyo horey uga dhacay duleedka Muqdisho oo khasaaro geystay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories