HomeWararGalmudug oo heshiis lagu dhisayo Dekadda Hobyo la saxiixatay Shirkad Caalami ah

Galmudug oo heshiis lagu dhisayo Dekadda Hobyo la saxiixatay Shirkad Caalami ah

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo kula saxiixatay Shirkadda Oriental Terminal oo ah Isbahaysi ka koooban Seddex Shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa heshiiska u saxiixay Galmudug, waxaana heshiikaas uu ka dambeeyay, kadib markii kulamo kala duwan […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo kula saxiixatay Shirkadda Oriental Terminal oo ah Isbahaysi ka koooban Seddex Shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa heshiiska u saxiixay Galmudug, waxaana heshiikaas uu ka dambeeyay, kadib markii kulamo kala duwan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas la qaateen shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madasha saxiixa heshiiska Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug.

Heshiiskan waxaa qeyb ka ah in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee Sahanka, si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta Dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & Bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka Wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021.

“Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo uu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah” ayuu yiri Wasiir Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories