HomeWararDil ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo faah faahin laga helay

Dil ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Askari ka tiran Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ay toogteen Askariga Booliska ahaa, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Booliska […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Askari ka tiran Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ay toogteen Askariga Booliska ahaa, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Booliska Magaalada, isagoo lagu dhuftay rasaas, uuna geeriyooday.

- Advertisement -

Raggii hubeysnaa ayaa goobta baxsaday, isla markaana waxaa rasaas dhowr ku furay Ciidamo ka tirsan kuwa Boolisika Laascaanood oo ku sugnaa agagaarka goobta uu falka ka dhacay, kuwaasi oo maqlay dhawaqa rasaasta lagu  dhuftay Askariga.

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa xaafaddo ka tirsan Laascaanood ka bilaabay howlgal lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ka tirsan Ciidanka Booliska Somalilnad ee halkaas ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada oo ku saabsan dilkii dhacay, waxaana xusid mudan in maalmo kahor halkaas ay ka jirtay xiisad u dhexeeysa dadka deegaanka iyo Ciidanka Booliska.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories