HomeWararCiidanka Itoobiya oo laga daad-gureeyay Degmo ka tirsan Gobolka Gedo  

Ciidanka Itoobiya oo laga daad-gureeyay Degmo ka tirsan Gobolka Gedo  

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan heleyno degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidankii ka socday dowladda Itoobiya ee ku sugnaa gudaha degmadaas laga daad-gureeyay. Dad ku sugan Doolow ayaa soo weriyay in Ciidanka Itoobiya ay gebi ahaayeen ka guureen saddex Saldhig oo gudaha Magaalada iyo  duleedka ku lahaayeen, isla markaana halkaas […]

- Advertisement -

Wararka aan heleyno degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidankii ka socday dowladda Itoobiya ee ku sugnaa gudaha degmadaas laga daad-gureeyay.

Dad ku sugan Doolow ayaa soo weriyay in Ciidanka Itoobiya ay gebi ahaayeen ka guureen saddex Saldhig oo gudaha Magaalada iyo  duleedka ku lahaayeen, isla markaana halkaas ay ka qaateen agabkii Malateri ee u yaallay.

- Advertisement -

Ciidanka Itoobiya oo muddo ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in loo daad-gureeyay Magalaada Addis Ababa, iyagoona lagu qaaday diyaarado nooca dagaalka, waxaana saldhigyadii ay joogeen la geeyay  Ciidamo Cusub.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Liyu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu bedelay Ciidankii Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kuwaasi oo la dejiyay saldhigyadii ay ku sugnaayeen Itoobiyaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sababta loo daad-gureyay Ciidanka Itoobiya ay tahay mid la xiriirta xiisadaha ka Jira dalkaas gaar ahaan tan u dhexeeysa Mamulka Tigrega iyo Dawladda Fadaraalka dalkaas.

- Advertisement -

Dadka shacabka ah ee kunool degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta aad u hadal u haaya tegitaan degmadaas ee Ciidanka Liyu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories