HomeWararCiidamo howlgal ka sameeyay Magaalo lagu qabanayo Doorashada BFS

Ciidamo howlgal ka sameeyay Magaalo lagu qabanayo Doorashada BFS

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ciidamada Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa u sheegay in Ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro, taasina ay tahay […]

- Advertisement -

Ciidamada Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa u sheegay in Ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro, taasina ay tahay in laga hortego.

- Advertisement -

Ciidanka ayaa howlgalka sigaar uga fuliyay Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Boosaaso, sidoo kalena dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dhanka amniga, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka.

Saraakiisha Ciidanka Badda ee Puntland ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro oo isugu jira Dil, weeraro iyo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay deegaanada Puntland ee lagu qaban doono Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories