HomeWararBanaanbax ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska oo ka dhacay K/Galbeed

Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska oo ka dhacay K/Galbeed

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday gafkii Diinta uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo taageeradii uu u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH ayaa ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Dadweyne farabadan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Culimo ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Waajid, waxaana banaanbaxooda ay […]

- Advertisement -

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday gafkii Diinta uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo taageeradii uu u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH ayaa ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Culimo ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Waajid, waxaana banaanbaxooda ay soo horjeedeen Macron oo u gafay diinta, iyagoona aad uga xumaaday hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaacada Rasuulka, isla markaana aysan marnaba ogoleyn in wax laga sheego Rasuulka SCW , ayna aad u jecel yihiin Nebiga.

Sidoo kale Culimada ka hadlay banaanbaxa ayaa naclad ku riday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyagoona ku tilmaamay Macron sheydaan weyn, iyagoona banaanbaxayaasha ku dhawaaqayay Allahu Akbar Allahu Akbar.

Magaalooyin  waaweyn oo kamid ah dalka SOomaaliya ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo u gafay Diinta iyo Nebi Muxamed NNKH, waxaana xusid mudan in sidoo kale dalalka Islaamka ka dhaceen banaanbaxyo ka dhan ah Macron.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories