HomeCaalamkaTirada dadkii ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga oo sare kacday

Tirada dadkii ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga oo sare kacday

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hay’adda maareynta Musiibooyinka dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (AFAD) ayaa shaacisay inuu sii kordhay Khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkii xooganaa oo Jimcihii lasoo dhaafay ku dhuftay Magaalada Izmir ee dalkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Musiibooyinka AFAD ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadkii ku naf-waayay dhul gariirka ay gaartay 76 qof, halka ay ku dhaawacmeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda maareynta Musiibooyinka dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (AFAD) ayaa shaacisay inuu sii kordhay Khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkii xooganaa oo Jimcihii lasoo dhaafay ku dhuftay Magaalada Izmir ee dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Musiibooyinka AFAD ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadkii ku naf-waayay dhul gariirka ay gaartay 76 qof, halka ay ku dhaawacmeen 962 qof, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad oo lagula tacaalayo xaaladooda.

- Advertisement -

Boqolaal qof oo Turki ah ayaa buux dhaafiyay Xarumaha Caafimaad oo baadi  goob ugu jira qaar kamid ah Eheladooda oo maqan, waxaana Wasaaradda Caafimaadka dalkaas sheegtay dadka dhaawacmay loo fidinayo adeegyo Caafimaad.

Sidoo kale Hay’adaha Gurmdka deg-degga ayaa weli dadaalo kala duwan oo lagu soo badbaadinayo dad kale oo la la’yay, isla markaana loo maleynayo inay kusoo jiraan dhimashayaashii soo dumay ee  ku yaalla Magaalada Izmir ee Turkiga.

Dhul graiirka ka dhacay Izmir ayaa ahaa mid qoto dheer oo gaaraya 16.54 KM (10 mayl), Dhulgariirka, sidoo kalena uxay xeebta badda Aegean Sea ee u dhexeysa Turkiga iyo Greece-ga.

- Advertisement -

Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u muujiyay isku duubni bulshada, wuxuuna sheegay in Turkigu garab taagan yahay muwaadiniintiisa uu saameeyay dhul gariirka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts