HomeWararSheekh Shariif oo kulan xasaasi ah la qaatay Cali Guudlaawe

Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah la qaatay Cali Guudlaawe

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa habeenkiii xalay aheyd Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle. Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa looga hadlay arrimo ku aadan dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo howlaha lagu dhisayo ay heer gaba-gabo ku dhow yihiin. […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa habeenkiii xalay aheyd Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa looga hadlay arrimo ku aadan dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo howlaha lagu dhisayo ay heer gaba-gabo ku dhow yihiin.

- Advertisement -

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu Cali Guudlaawe ka dalbaday in wax yar la hakiyo howlaha Doorashada Maamulka, si xal buuxa looga gaaro tabashooyin jira, isla markaana dhammaayo wax kasta oo jira, lana gaaro heshiis siyaasadeed.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan kale la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Jowhar ee dhawaan soo xulsay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka.

Shariif ayaa Odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay u sheegay in Magaalada Jowhar uu u tegay sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ay qabaan beelaha, isla markaana uu doonayo in wax kasta oo xal ah la gaaro, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan oo loo dhan yahay.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka Shariif iyo Cali Guudlaawe oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan, isla markaana lagu balamay kulamo kale, sida xogta lagu helayo.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories