HomeWararRW Rooble oo faray Maamulka Gobolka in ay degdeg wax uga qabtaan...

RW Rooble oo faray Maamulka Gobolka in ay degdeg wax uga qabtaan biyaha xiray jidadka qaar

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ugu yeeray guddoonka gobolka Banaadir ayaa faray in ay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ugu yeeray guddoonka gobolka Banaadir ayaa faray in ay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, isagoo maamulka gobolka Banaadir faray in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen.

- Advertisement -

“Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yiri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay”

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories