HomeWararRoob xoogan oo xalay ka da’ay Muqdisho iyo saameyn ka dhalatay

Roob xoogan oo xalay ka da’ay Muqdisho iyo saameyn ka dhalatay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ka da’day Roob xoogan oo saacado xiriir ah socday, kaasi oo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen, sidoo kalena saameyn geystay. Inta uusan Roobka bilaaban ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo ku teedsan laga wada maqlayay Gugaca Roobka, waxaana roobka uu ahaa […]

- Advertisement -

Saqdii dhexe ee xalay ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ka da’day Roob xoogan oo saacado xiriir ah socday, kaasi oo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen, sidoo kalena saameyn geystay.

Inta uusan Roobka bilaaban ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo ku teedsan laga wada maqlayay Gugaca Roobka, waxaana roobka uu ahaa mid u qaboow oo la sugayay.

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho laga dareemayay Kuleyl aad u daran , hayeeshee saaka Jawiga Caasimadda ayaa ah qaboow, waxaana Wadooyinka qaar dhex fadhiya Biyaha Roobkii xalay da’ay.

Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ah kuwa xiran kadib markii ay biyaha xareedda fadhiisteen, waxaana halkaas maristooda dhib ku qaba gaadiidka Mooto Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo maraya waddooyin qardo-jeex.

Sidoo kale Roobka ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dadka dantayar ee kunool xerooyinka barakacayaasha ah eek u yaalla duleedka Caasimadda, waxaana sidoo kalen biyo farabadan ay Guryaha u galeen Qoysas danyar ah oo degan xaafaddo dhowr oo ka tirsan Gobolka.

- Advertisement -

Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka curtay Roobabka Dayrta ah, waxaana ku diirsaday dadka iyo duunyada, iyadoona dadka xoolo dhaqatada ah ay soo sheegayaan inay Barwaaqo la helay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories