HomeCaalamkaRag hubeysan oo weerar ku qaaday Jaamacad ay ka socotay Munaasabad

Rag hubeysan oo weerar ku qaaday Jaamacad ay ka socotay Munaasabad

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa gudaha Jaamacada Kabul ee dalka Afganistaan, halkaas oo kooxa hubaysan ay gudaha ugaleen, sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dalka Afganistaan ayaa hareereeyay Xarunta Jaamacadda ee ragga hubeysan gudaha u galeen oo ay ka socotay Munaasabad lagu soo bandhigay buug […]

- Advertisement -

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa gudaha Jaamacada Kabul ee dalka Afganistaan, halkaas oo kooxa hubaysan ay gudaha ugaleen, sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dalka Afganistaan ayaa hareereeyay Xarunta Jaamacadda ee ragga hubeysan gudaha u galeen oo ay ka socotay Munaasabad lagu soo bandhigay buug xiliga la weerarayay.

- Advertisement -

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Ilaa iyo hadda 6 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Wasaarada caafimaadka dalka Afganistaan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa warbaahinta Afganistaan u sheegay in weli uu weerarka ka socdo gudaha Xarunta Jaamacadda Kabul, isal markaana ay ka dhex dagaalamayaan rag hubeysan, xili halkaas ay ku sugan yihiin dad farabadan ayna ka socotay Munaasabad.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka amniga dowladda ay wadaan howlgal lagu doonayo in lagu soo afjayo weerarka, isagoo intaas sii raaciyay in weli la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan.

- Advertisement -

Dalka Afganistaan waxaa ka dagaalanta kooxda Daalibaan oo dagaal kula jirta ciidamada dowlada Iyo kuwa Ajaaniibta ah ee dalkaas ku sugan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories