HomeWararQoorqoor oo Guddoomiyey Shirka G/Wasiirada iyo Hindise sharciyeedyo la meelmariyey

Qoorqoor oo Guddoomiyey Shirka G/Wasiirada iyo Hindise sharciyeedyo la meelmariyey

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareerfadhiyo ku xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo maata looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed. Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha Dib u xorreynta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareerfadhiyo ku xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo maata looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed.

Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha Dib u xorreynta Deegaanada maqan.

- Advertisement -

Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada.

Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq. waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas.

Golaha wasiiradda ayaa go’aamiyey in si Daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha. Waxayna xilsaareen guddi ka kooban wasiiradda Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka iney ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka DGM arrintaas.

- Advertisement -

Ugu danbeyntio Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey Sharciyada; Sharciga Nootaayada,Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kaluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories