HomeWararPuntland iyo Dowladda Somalia oo ka wada hadlay amniga Doorashooyinka

Puntland iyo Dowladda Somalia oo ka wada hadlay amniga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Kulanka u dhexeeyay Taliye Xijaar iyo Axmed Karaash ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday sugidda amniga goobaha ay ka dhacayso Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee […]

- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Kulanka u dhexeeyay Taliye Xijaar iyo Axmed Karaash ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday sugidda amniga goobaha ay ka dhacayso Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad Goboleedka Puntland .

- Advertisement -

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha Booliska dalka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

“Waxaan ka wada hadalnay sugidda amniga goobaha ay doorashada ka dhacayso iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha booliiska ee dalka” ayuu yiri Axmed Karaash.

Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ayaa saakay kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto Doorashada xubnaba Aqalka Hoose BFS eek a imaanaya Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories