HomeWararMusharaxiinta Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo Maanta la diiwan-gelinayo

Musharaxiinta Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo Maanta la diiwan-gelinayo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ayaa Maanta Magaalada Jowhar ka bilaabaya Diiwan-gelinta Musharxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka. Qoraal shalay kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay inay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlmaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen. Sida ku Cad Jadwalka laga soo saaray […]

- Advertisement -

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ayaa Maanta Magaalada Jowhar ka bilaabaya Diiwan-gelinta Musharxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka.

Qoraal shalay kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay inay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlmaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen.

- Advertisement -

Sida ku Cad Jadwalka laga soo saaray Doorashada Guddoonka Baarlamaanka isla Maanta ayaa lasoo gaba-gabeyn doonaa Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Guddoonka, waxaana saddex xil u taagan Musharaxiin dhowr ah.

Sidoo kale Maanta Berri ayaa la filayaa in Musharaxiinta la diiwaan-gelin doono in Khudbadahooda u jeedan Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, iyagoona uga hadli doono wax qabadkooda ku aadan markii  la doorto.

Kulamo siyaasadeed oo ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana kulamada intadooda badan looga hadlayay ololaha Doorashada ee halkaas ka socda.

- Advertisement -

Maalinta Arbacada ee soo socota ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, iyadoo intaas kadibna la dooran doono Madaxweynaha Maamulka iyo ku-xigeenadiisa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories