HomeWararIn ka badan 100 ruux oo lagu laayay weerar dhacay

In ka badan 100 ruux oo lagu laayay weerar dhacay

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Dad tiradooda lagu sheegay wax ka badan 100 ruux ayaa lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya. Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo Coodanka Xoreynta Oromada. Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka […]

- Advertisement -

Dad tiradooda lagu sheegay wax ka badan 100 ruux ayaa lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya.

Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo Coodanka Xoreynta Oromada.

- Advertisement -

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka.

Xafiiska Abiy ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”.

- Advertisement -

“Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories